Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Dr. Axmed Jumca Al-Rumeysi.
Labada mas’uul ayaa kulanka ay yeesheen uga wadahadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, sii wadida arrimaha gar’aarka oo ay dowladda Imaaraadka gacan weyn ka geysato iyo sidii mashaariic horumarineed loogu fulin lahaa magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-celiyay kaalintooda ku aaddan garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.



















