Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirka khibrad iyo aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee golaha wasiirrada xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul-istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyay inay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowlad-nimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.




























