Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulammo kala duwan la yeeshay Wasiirrada Dhiggiisa ah ee Afrika: SAWIRRO

0
333

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo magaalada Addis Ababa kaga qayb-galaya shirka Midowga Afrika, heerka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ayaan qaar ka mid ah madaxda shirka ka qayb-gelaysa la yeeshay kulammo gooni-gooni ah.

Mas’uulinta uu wasiirku kulmada la yeeshay waxaa ka mid ahaa: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mudane Demeke Mekonnen Hassen iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Qurba-joogta ee Kenya, Dr. Alfred Nganga Mutua waxa ayna isla soo qaadeen iskaashiga dhinacyada ammaanka, dublamaasiyadda iyo deris wanaagga, waxaa kale oo ay ka wadahadaleen meelmarinta war-murtiyeedkii ay madaxda dalalka derisku Muqdisho kasoo saareen horraantii bishan Febraayo iyo shir heer wasiirro ah oo kulanka madaxda daba socda oo bisha soo socota ee Maarso uu wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku martiqaaday magaalada Muqdisho wasiirrada dhiggiisa ah ee gobolka.

Waxaa kale oo wasiir Abshir Huruuse uu kulamo la yeeshay wasiirrada Arrimaha Dibedda dalalka Tanzania, Uganda, Algeria, Rwanda, Nigeria, Ghana, iyo Komoros oo sanadkan qabanaysa guddoonka Midowga Afrika.

Qodobbada ugu muhiimsan ee wasiir Abshir uu kala hadlay Wasiirrada dhiggiisa ah waxaa ka mid ahaa:

  1. In waddamada Afrika ay ku taageeraan Soomaaliya tartanka ay ugu jiro xubim ka noqoshada aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo dhacaysa bisha Juun ee sanadka 2024.
  2. Taageerada codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo uu si gooni ah ugala hadlay wadamada xubnaha ka ah.
  3. Xaqiijinta qoondada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Midowga Afrika oo muddo dibadjoog ka ahayn fursadaha shaqo iyo mashaariicda uu bixiyo Midowga Afrika.

Ugu dambeyn, shirka wasiirrada arrimaha dibadda Afrika ayaa hordhac u ah kulanka ay isugu imaanayaan Madaxda Afrika oo 18-ka bishan furmi doona, waxaana rajo weyn laga qabaa sanadkan inay kasoo baxaan qodobada muhiim u ah dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here