Duqa Muqdisho oo sheegay in la ganaaxayo cidii aan xiraneen Weji xirka

0
495
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta waxa uu faray bulshada Caadimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in si deg deg ah loo dhaqan gelinayo ganaaxa cidii aan xirneen weji xirka ee lagu dhex arko goobaha ay bulshada ku kulanto.
Waxuu intaas ku daray in dowladda ay diyaarisay agabkii lagu xakameyn lahaa caabuqa, ayna gaarsiin doonto dadka dan yarta ah iyo kuwa barakacayaasha  ah aan awwdin inay soo iibsadaan weji xirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here