Guddoomiyaha Degmada Kaxda Mudane Maxamed Yuusuf Maxmed oo saaka la hadlay Idaacadda Codka Caasimadda ayaa sheegey in Amaanka degmada kaxda uu yahay mid la isku haleyn karo ayna habeen walba ciidamada Booliiska oo kaashanaya madaxda waaxyaha ay Degmadu ka kooban tahay roondo lagu xaqiijinayo Amaanka ka sameeyaan hareeraha iyo gudah xaafagdaha degmada kaxda.
Guddoomiyaha Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uuna intaa ku daray si loo xaqiijiyo Amaanka oo ah mughiimadda koowaad iney xiriir wanaagsan la leeyihiin shacabka ku nool degmada iyo Maamulada la deriska ah deegaankooda, waxa kale oo uu sheegay in ay si wanaagsan u shaqeeyaan Iskuulka iyo MCH-ka degmada oo u adeega Hooyada iyo Dhalaanka ku nool degmadda Kaxda.
Guddoomiyaha Degmada Kaxda Mdane Maxamed Yuusuf Maxmed waxa kale oo uu sheegay iney degmadiisu marti geliso Barakacayaal aad u badan, waxa uuna intaa ku daray iney intii tabartood ah u dadaalayaan wax u qabshadooda iyagoo la kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu danbeyntii Guddoomiye Maxamed Yuusuf waxa uu shacabka ka codsaday iney bixiyaan canshuurta si loo horemariyo kaabayasha dhaqaalaha ee degmada sida Jidadka iyo Iskuulada, waxa kale oo uu codsadey in dadka dhulka banaan ku leh deegaanka ay dhistaan dhulkooda si kor loogu qaado bilicda Degmada..
Codka Caasimadda.













