Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir oo Hawlo shaqo ku tagay Xarunta AGA ee Muqdisho: SAWIRRO

0
417

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Dr. Abdifatah Ahmed Barre ayaa booqasho ku tagay xarunta Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee Magaalada Muqdishu oo ay ka socdaan tababar iyo kulammo waxbarasho.

Agaasimaha Guud ayaa kormeer iyo xog-wareysi ugu tagay tababarka hawl-wadeennada iyo Agaasimeyaasha Imtixaanaadka dalka oo lagu baran doono sameynta keydka su’aalaha (Question’s Bank), kaas oo lagu marti-geliyay Gobalka Banaadir.

Sidoo kale, Agaasime Cabdifataax ayaa kormeeray tababarka dufcadii afaraad (4) ee qaar ka mid ah macallimiinta dhiga maadada Afka Soomaaliga ee dugsiyada Gobolka Banaadir, waxa uuna u jeediyay dardaaran iyo dhiirigalin ku aaddan horumarinta, barista iyo barashada maadada Afka Soomaaliga oo muhiimad gaar ah u leh ubadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, waxa uu u taagan yahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here