Wasiir Dubbe oo sheegay in kudhawaad 100 Maxbuus laga qabtay ciidankii ku soo duulay Beledxaawo

0
571

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo goor shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyay dagaalka ka socdo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in ciidanka dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada.

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa xusay in ciidankii ku soo duulay Beledxaayo ay ku jaben dagaalka, islamarkaana nolosha looga qabtay ku dhawaad 100 Maxbuus.

Ciidanka Kenya iyo Jabhadii ay quudineysay ayaa xalay saqd dhexe soo weeraray magaalada Beledxaawo,  iyagoo ka soo gudbay xuduuda si ay u qabsadaan magaalada, taas oo dhaawaceysa Qaranimada iyo Madax banaaninda Ayuu yiri Wasiir Dubbe

Wasiirka ayaa intaas ku daray in xaaladda ay haatan degan tahay, ayna ciidanka dowladda Soomaaliya  si buuxda u maamulayaan magaalada Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here