Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta soo xiray tartanka kubada cagta degmooyinka iyo Degaanada gobolka Banaadir oo maanta ay ku guuleysatay degmada Dharkeenley.
Finalka tartankan oo ka dhacay garoonka kubada cagta ee Stadium Eng Yariisow islamarkaana ay isaga hor imaadeen degmooyinka Dharkeenley iyo Warta Nabada ayaa waxaa usoo daawasha tagay kumanaan dadweyne ah, iyadoo ciyaartoyda labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiisa badneyd oo weerar iyo weerar celis ah hasa’ahaate natiijada ciyaarta ayaa waxa ay guusha raacday degmada dharkeenkeey ee Gobolka Banaadir.














