Guddiga ururinaya gargaarka walaalaha Turkiga lagu caawinayo oo shaaciyay Akoonno

0
299

Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qaybqaada karaan gurmadka oo wixii ay ugu talagaleen oo dhaqaaale ah ay ku diri karaan.

Guddigan oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana billowday ololaha dhaqaale ururinta oo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku billowday hal ilyan oo Dollar.

Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta masaajidda Muqdisho ka aocday ololahan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka billowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka.

Ugu dambeyn, Dhaqaalaha la doonayo in lagu ururiyo saddex maalmood si loogu caawiyo walaalaha Turkiga wajiga koowaad ayaa la sheegay inuu gaarayo 5-Milyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here