GUDDOOMIYE YUUSUF MADAALE: Dhallinyarada waa Indhaha Dowladda waxaana nagu waajib ah inaan la dagallaanno Khawaarijta: SAWIRRO

0
270

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed kala qayb-galay isku soo bax ballaaran oo ay ugu soo hor-jeedaan kooxaha khawaarijta iyo xasuuqii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu geystay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Kumannaan shacab ah oo watay boorar ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ah kooxaha khawaarijta ah ayaa isugu yimid xeebta Liido, kuwaas oo ku muujiyay shacuurtooda sida ay ugu soo horjeedaan xasuuqa ay kooxda khawaarijta ku laayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa MMuqdisho, xubno ka tirsan golaha wasiiradda XFS, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, guddoomiyeyaal degmo iyo qeybo ka tirsan hormuudka bulshada ayaa halkaas kula hadlay shacabka, iyagoo ugu baaqay bulshada in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta.

Khawaarijtu diin ma lahan, waa dilaayaal axmaqiin ah, waana dad aan damiir lahayn oo maalin walba ka oohinaya aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed, taas ayaana ku tusaysa inay yihiin xaasidiin ay waajib tahay in lala dagaallamo,” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho oo intaas ku daray: “Dhallinyaradu waa indhaha dowladda, waxaana waajib nagu wada ah inaan la dagaallano khawaarijta oo aan arxan inoo hayn.”

Wasiir Xasan Eelaay oo ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Somalia ayaa hadal uu ka jeediyay dibad-baxa ku yiri: “Argagixisada xanuunkii ay kasoo qaadeen Jabkii Jubbooyinka ayey Dumar iyo Dhallinyaro aan waxba galabsan lasoo aadeen.” Wuxuuna intaas ku daray: “Inaan gacmaha taagtaagnno oo aan mudaahaardno ma ahan wax kuligeen na anfacaya ee cadwaga guryaha kasoo saara oo lafahiina badbaadsada.”

Ugu dambeyn, Godoomiye Yabooh aya hadal uu jeediyay ju yiri: “Dhallinyarada waxa ay rabaan in ay mujiyaan meesha shalay aad soo weerarteen in aysan noqan mugdi, qashin iyo meelaha aad dagan tihiin. Dowladnimada hala garab-istaago dal dowlad leh ayaa sharaf leh.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here