Madaxweyne Xasan Sheekh: Walaalaha Turkiga waxa ay noogu fadhiyaan qiime weyn ee aan garab-istaagno: MUUQAAL

0
332

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaaddii Jimcaha kaddib khudbad dheer ka jeediyay masjidka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Tukiga uu abaal aan gurayn ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in garabkooda la istaago, si la mid ah sidii ag noogu soo gurmadeen xilligii aan u baahnayn in nala garab-istaago.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay saaran tahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan musiibadii ka dhacday Turkiga, isagoo ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha Turkiga ee dhulgariirku uu ku dhuftay.

“Walaalaha Turkiga macnaha ay noogu fadhiyaan qof walba oo Soomaali ah waa ogyahay, waxa ay naga mudan yihiinna iyo waxa ay nagu leeyihiin ma gurdi karno, waayo tabarteeda ma lihin, balse wixii awoodno inaan sameyno ayaa nalaga rabaa” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddiisa.

Sidoo kale, waxa uu hadalkiisa raaciyay in halka doollar ee aan ku deeqayno macne weyn ayay ku fadhidaa, taasoo ah buu yiri in haddii aan haysanno balaayiin doollar inaan siin lahayn.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xalay Muqdisho laga daahfuray gurmadka gargaarka ay Soomaaliya doonayso inay ku garab-istaagto walaalaha Turkiga iyo Siiriya oo uu dhulgariirku si ba’an u saameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here