Dhaawacyadii Beledxaawo oo la soo gaarsiiyay Muqdisho

0
1351

Ku dhawaad 11 ruux oo isugu jira ciidan iyo dad shacab ah oo ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalada magaaladaa Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo.

Isbitaalka Madiino ayaa la dhigay dhaawacyada, waxaana haatan lala tacaalayaa daryeelkooda, kadib markii diyaarad gaar ah  ay ka soo qaday degmada Beledxaawo ay dirirtu ka dhacday.

Inta la xaqiijiy 11 ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkii Beledxaawo.

Xaalada ayaa saaka degan, waxaana dadka deegaanka ay weli ka cabsi qabaan in dagaalada ay mar kale dib u soo cusboonaadaan, maadaama ciidankii shalay lagu jabiyay dagaalka ay isku aruursanayaan duleedka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here