Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan Amni la yeeshay Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabadsugidda Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
397

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarrinta Amniga Caasimadda la qaatay taliyeyaasha guud ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugida Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin (Macalin Mahdi) iyo Gaashaanle Muxiyadiin Warbac.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargalin sugida nabadgalyada Caasimadda, gaar ahaan xoojinta hawlgalada looga hortagayo dhagarta Khawaarijta iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geysta bulshada.

Ugu dambeyn, ku-simaha Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yabooh ayaa ku amaanay ciidamada amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugida amniga Magaalada iyo badbaadinta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here