Ku-simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, ahna guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ku dhawaaqay in maamulka Gobolka Banaadir ay ugu deeqeen walaalaha Turkiga 250,000 oo doollar.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in deeqsan ay tahay wajigii koowaad ee ay ku darayaan gargaarka ay ururinayaan guddigii uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
“Guddiga Gurmadka dhulgariirkii ku dhufay dalka Tuekiga ayaa ila soo xiriiray, maadaama aan wakiil buuxa ka ahay maamulka Gobolka Banaadir, markii aan tashanay innaga iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo safar ku maqan waxaan go’aansannay inaan bixinno yaboohii koowaad, maadaama la go’aamiyay in wajiga koowaad la gaarsiiyo walaalaha Turkiga 5-milyan oo doollar” ayuu yiri guddoomiye Yabooh oo xalay hadlay, waxaana garbihiisa taagnaa xubnaha guddiga taakulada walaalaha Turkiga.
Guddoomiye Yabooh ayaa xusay in lacagta ay wajiga ku bixinayaan ay ku timid kaddib markii guddiga gurmadku ay sheegeen in si degdeg maamul-goboleedyada iyo dadka wax hayasta laga doonayay inay si dhaqso ah ku bixiyaan 1-Milyan oo doollar. Waayo saddex maalmood ayaa la rabaa in 5-Milyan lagu helo.
“Shacabka ku nool degmooyinalka Gobbolka Banaadir waxaa laga doonayaa inay ka qayb-qataan wajiga labaad ee gargaarka,” ayuu mar kale yiri Guddoomiye Yabooh.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh ayaa habeenkii Khamiista ka sheegay kulankii ururinta kaalmada walaalaha Turkiga uu kaalin muuqda ka qadan doono maamulka Gibolka Banaadir.













