Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Feysal Carraale Afrax oo ay wehliyaan agaasimaha waaxda deegaanka Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo la-taliyaha arrimaha sharciga guddoomiyaha gobolka Banaadir, Avv. Maxamuud Cabdi Nuur (Kitaabi) ayaa ka qayb-galay kulanka la-tashiga dowladaha, xubnaha ka ah DFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka, ee Hindise sharciyeedka Ilaalinta iyo maaraynta deegaanka, kaas oo dhageysigiisa uu ka socdo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo furitaanka kulankan ka hadlay ayaa ugu baaqay ka qayb galayaasha in ay soo bandhigaan, fikrado, toosin iyo tusaalooyinka ay ka qabaan sharciga, si guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare halkaasi uga amba-qaadaan qiimaynta soo jeedimaha ku habboon ku daridda ama wax ka badalida sharciga Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka.
Ugu dambeyn Madaxda ka socota maamul goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir, Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Ururada Bulshada iyo xeeldheere-yaal dhinaca deegaanka, ayaa guda-galay dooda iyo aragti ka dhiibashada Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, kaasi oo horyaala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
























