Agaasimaha caafimaadka gobolka Banaadir, mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta koormeeray goobo ay ku soo barakaceen dad danyar ah oo saameyn ku yeeshay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo ka soo barakacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa koormeerka ku wehlinaayay agaasimaha ku-simaha guddoomiyaha degmada Kaxda ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmadaas, mudane Jimcaale Axmed Maxamed (Jimcaale Dhoosh) iyo madaxa isku duwaha caafimaadka degmada Kaxda, marwo Xaawo Cabdullaahi Cali.
Xafiiska agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe waday olole loogu gurmanayo dadka danta yar, waxaa loo sameeyay baaritaanno dhanka caafimaad ah, iyada oo la siiyay dawooyin.
Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay agab gar-gaar oo ka kooban Maro-kaneeco, qalab caafimaad iyo agab kale oo noloshooda muhiim u ah.
Ugu dambwyn, Agaasime Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadkan ay u baahan yihiin in lala soo gaaro gurmad xoog leh, isaga oo baaq u diray hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka hawlgala gobolka Banaadir, ganacsatada iyo culummafa Soomaaliyeed.






















