Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa ka warbixiyay howlgallo lagula dagaalamayay burcadda iyo dadka isticmaala walxaha maanka dooriya ee ku dhuumaaleesta xaafadaha magaalada Bledweyne ee gobolka Hiiraan.
Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dhowr kartoon oo qamri ah iyo waxyaabo kale ee maanka dooriya, kuwaas uu sheegay inay qeyb ka yihiin falalka amni darro ee ka dhaca magaalada .
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka boliiska ay soo qabteen dadkii ka ganacsanayay qamriga iyo walxaha maandooriyaha ah, isagoo uga diyay dad kale ee weli ka ganacsada maandooriyaha inay ka waantobaan.
Ciidanka Booliska Hir-Shabeelle ayaa dhowr jeer oo hore howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne iyo degaannada kale ee Hir-Shabeelle waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka Ganacsanayay.













