MUUQAAL: Munaasabad lagu Xusayay 58-guuradii Asaaska Ciidanka Badda oo lagu qabtay Muqdisho

0
309

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, saraakiil iyo marti sharaf kale ayaa maanta ka qayb-galay xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta ciidanka badda Soomaaliyeed oo ahmiyad gaar ah u leh dadka iyo dalka.

Xuska ayaa noqonaya sanadguuradii 58-aad ee kasoo wareegay asaaska ciidanka badda Soomaaliyeed, waxaana ka qaybgalay madax ka socotay dowladda iyo ciidamada Soomaaliya.

“Ciidanka badda Soomaaliyeed waxay ahaayeen laba qaybood oo kala ah: qayb badda gudaheeda ka dagaalanta oo maraakiib wata iyo qayb difaaca xeebaha ah, kuwaasoo laba guuto oo ka mid ah ay ahaayeen kumaaandoosta badda,” ayuu yiri taliyihii hore ee ciidanka badda, Admiral Faarax Cumar Axmed (Faarax Qare) oo munaasabadda ka hadlay.

Admiral Faarax Qare ayaa intaas ku daray inuu ka mid ahaa dufcaddii ugu horreysay ee ciidanka badda Soomaaliyeed, isagoo ku taliyay in la xoojiyo ciidanka badda si xeebaheenna ay u helaan ilaalo adag oo cadowga ka difaaca.

Sidoo kale, taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha G/Sare Mubaarak Cabdiqani ayaa yiri dhankiisa; “Wax kasta oo awooddeenna ah waxa aan isugu geyn doonnaa difaaca baddeenna”.
Ugu dambeyn, 10-kii bishii Febraayo 1965-kii ayeay ahayd markii la asaasay ciidanka badda Soomaaliyeed oo loo xil-saaray ilaalinta xeebaha iyo khayraadka badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here