Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo bahda waxbarashada dalka kala hadlay gurmadka Turkiga: SAWIRRO

0
449

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa shalay kulan la qaatay bahda waxbarashada dalka, isagoo ku boorriyay in laga qaybqaato gurmadka walaalaha Turkiga.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday; Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Midowga Jaamacadaha, Midowga Dugsiyda, Midowga Dalladaha, Ururka Macallimiinta Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Ummadda.

“Waxaad la socotanan in gurmad aan kala har lahayn loo fidinayo walaalaha Turkiga iyo Siiriya oo uu dhulgariir ku dhuftay. Bahda waxbarashada dalka, waxaa laga doonayaa in ay kaalin muuqata ku yeeshaan gargaarkaas, sidii loo bartay” ayuu kulanka ka sheegay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa soo dhaweeyay hawsha wanaagsan ee uu wasiirka ugu yeeray, waxa ayna isla garteen in la garab-istaago walaalaha Turkiga oo dalkeenna hiil iyo hooba la garab taagnaa dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay.

Ugu dambeyn, Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir ayaa uga mahadceliyey bahda waxbarashada sida ay ajiibeen kulanka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka qaybqaataan gurmadka loo fidinayo walaalaha Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here