Daawo: Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar ee aan soo xaadirin shaqooyinka oo amar culus oo la dul-dhigay: SAWIRRO

0
308

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Gaanahaanle Sare, Maxamed Carabow Cali oo Axadda maanta ah shir Jaraa’id ku qabtay zafiiskiisa ayaa amar ku bixiyay in ciidanka Ilaalada Deegaanka ee ka maqan shaqadoodo muddo toddobaad gudihiis ah ay kusoo xaadiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in muddo isbuuca ah ee loo qabtay ciidanka maqan ay ka billabanayso maanta, askarigii aan xilliga la qabtay kusoo shaqo-gelinna laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo aanu sheegin waxa ay noqon doonto.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, ayaa Ciidanka hadda shaqeeya ku amray in ay ilaaliyaa anshaxa ciidanka oo dadka shacabka ah ee ay u qabanayaan adeegyada ay ula dhaqmaan si ay kun jirto xushmad iyo qaddarin. Waxaa kale oo uu sheegay in ciddii lagu arko iyadoo wadata direyska gaarka u ah ciidanka ilaaladadm deegaanka Xamar ee aan ka tirsayn ciidanka maxkamad lasoo taagi doono.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa warkiisa ku sheegay in bayaankan la ogeysiitay gabi ahaan talisyada ciidanka uu ka kooban yahay, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ee ay quseyso, waxa uuna ciidamada maqan ku boorriyay inay dhawraan xilliga kooban ee loo qabtay si hawlaha ciidanka loo dardar-geliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here