Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal dadweyne ah iyo ciidamada difaaca shacabka kula hadlay deegaanka Nuur-Dugle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Duqa Muqdisho oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u jooga dar-dargelinta howlgallada sifeynta khawaarijta, ayaa shacabka Nuur-Dugle iyo ciidamada difaaca ku ammaanay siday u garab-istaageen ciidanka Qaranka iyo doorka ay ka qaateen in ay iska dulqaadaan kooxaha Khawaarijta.
“Waxaa la idin ka rabaa in deegaannada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib dambe ugu soo laaban oo la difaaco, sidoo kale waxaa la idin ka rabaa in ciidanka Qaranka iyo shacabka kale lagu garab siiyo sidii haraadiga Khawaarijta loogu sifeyn lahaa deegaannada ay kaga harsan yihiin gobolka iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa xusay in deegaannada laga sifeeyay cadowga Khawaarijta sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gaarsiin doonno adeegyadda aasaasiga ah, si bulshada ay u helaan caafimaad, waxbarasho iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.






















