Hay’adda SoDMA oo Ganacsatada iyo Culummada Qaybaha Bulshada la yeelatay kulan Wadatashi ah: SAWIRRO

0
495

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka, mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida; culummada, midowga jaamacadaha, bangiyada, rugta ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale, waxaana looga warbixiyay cabsi xooggan oo laga qabo in guud ahaan dalka ka da’aan roobab xoog leh maalmaha soo socda oo ka badan intii la sugayay, taasoo ka dhalan karta fatahaado iyo daadadka El-Niño.

Kulankan ayaa looga hadlay in Culumadu ay ka qayb-qataan sii faafinta wararka ku aaddan roobkan si bulshada u taxadarto iyo in ganacsatada ay caddeeyaan waxa ay heli karaan ee u yaalla gobollada dalka iyo caasimadda, si haddii dhacdooyinka laga cabsi qabo ay u dhacaan bulshada loogu gurmado, loona aruriyo qaaraan si isku tashi loo muujiyo.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen guddoomiyaha hay’adda SoDMA iyo guddigan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan roobabkan aadka u xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here