Muqdisho oo lagu Qabtay Kulan loogu duceynayay dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay Dhulgariirkii Turkiga: MUUQAAL

0
345

Xarunta Gabdhaha Agoonta ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan loogu duceynayay dadkii Turkiga uga dhintay dhul-gariirkii dhawaan ku dbuftay magaalooyin ka tirsan dalkaas.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, bulshada rayidka, culummo iyo xubno kale, waxaana hadallo ay goobta ka jeediyeen ay kaga hadleen dhubaatadii gaartay Turkiga, iyagoo u duceeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacyadu ay kasoo gaareen musiibadaas.

“Dowladda Turkiga waxa ay ahayd dowladda keliya ee caalamka oo dhan tiri Soomaaliya weli waa noo-shahay, waana kuwii noo soo gurmaday, waana inaan maanta garabkooda istaagno” ayay tiri Nuurto Maxamed Caddoow oo ah madaxa xarunta agoonta gabdhaha Boondheere.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab oo iyadana meesha ka hadashay ayaa muujisay dareenkeeda ku aaddan dhibaatadii dalka Turkiga ka dhacday.

Sidoo kale, guddoomiyaha Arrimaha Diinta iyo  Owqaafta Gobolka Banaadir, Sheekh Cabdullaahi Axmed Garruun iyo Prof. Maxamed Xasan Doob ayaa goobta ka sheegag inay xanuunka la qaybsanayaan walaalaha Turkiga, waxa ayna xuseen in dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay in wixii ay awooddooda ah ay ku caawiyaan walaalaha Turkiga.

Dhanka kale, Guddoomiyaha degmada Boondheere Maxamed Cabdullaahi Cumar (Deeyoo) oo isna kulanka ducada ah ka hadlay ayaa sheegay in Soomaalida iyo Turkiga inta ay isku jiraan ay cid walba ka war-hayso, loogana baahan yahay dadka Soomaaliyeed inay af iyo adin ku taageeraan walaalahood oo dhibaato weyn ay ku habsatay.

Ugu dambeyn, Gabdhaha agoonta ah ee wax lagu baro xarunta ayaa waxay u duceeyeen walaalahood Turkiga, iyagoo khudbadaha ku jeediyay afka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here