Maamulka Gobolka Banaadir ayaa magacabay guddiga maamulaya imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir 2022/2023, kuwaasoo ka kooba sagaal xubnood.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa lagu sheegay in magacaabidda guddigan la ogeysiiyay madaxda ugu sarreysa maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Somalia.
Magacyada Guddiga la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Xuseen Muusr Shiraawe, Guddoomiye
2. Xasan Maxamed Aweys, Gudd. ku-xigeen
3. Maxamuud Xuseen Cabdulle, Xoghaye
4. Maxamed Cabdirisaaq Xoosh, Xubin
5. Maxamed Cabdi Cujub, Xubin
6. Cabdinaasir Daahir Cabdi, Xubin
7. Cali Maxamuud Siicoow, Xubin
8. Fooleey Dhiblaawe Maxamuud, Xubin
9. Cabdirisaaq Yuusuf Eybakar, Xubin
Ugu dambeyn, Guddigan ayaa loo rajeeyay in si degdeg ah u dardar-geliyaan hawsha loo igmaday ee imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir.













