GUDDOOMIYE MADAALE: Weerarrada Argagaxisadu nama niyad jabinayaan: DAAWO

0
432

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg-deg ah dalka ugu soo laabtay ayaa booqday qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeello kasoo gaartay weerarkii Khawaarijta ay shalay kusoo qaadeen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay guddoonka sare ee maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, laamaha amniga iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha, asigoo ka dhageystay warbixino la xariirta dhacdadii shalay.

Guddoomiye Madaale ayaa shirkiisa jaraa’id tacsi ugu diray ehellada shuhaddadii ku naf-waayay weerarkii shalay, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyay inta waxyeelladu ay soo gaartay, waxa uuna xusay in weerarkii shalay uusan ka niyad jibin doonin maamulka Gobolka Banaadir shaqada loo haayo bulshada caasimadda ku nool.

Ugu dambeyn, weerarkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayay shan qof, iyadoo tiro intaas ka badanna ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here