Guddoomiye Madaale oo Gudoomiyay kulan looga hadlay Dardar-gelinta Amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho: SAWIRRO

0
307

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda Muqdisho, kaasoo ka qabsoomay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen. Sulub Axmed Firin iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa warbixin la xariirta dhinaca amniga loogu dhageystay hay’adaha amniga, kuwaas oo soo bandhigay isbedellada amni ee ka jira magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horreyn ku amaanay saraakiisha iyo ciidamada kala duwan ee laamaha amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isaga oo kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku naaloonayaan shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here