Guddoomiye Ciise Guure oo dhagax-dhigay Kawaanka Suuqa Dhamme-Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeynley: SAWIRRO

0
311

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa dhagax-dhigay maanta mashruuc lagu dayactirayo Kawaanka Suuqa Dhamme-Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeynley, waxaana mashruuca dib loogu dhisayo Kawaankan oo burbur xooggan uu ka muuqdo.

Agaasimaha Suuqyada maamulka Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Macallin Dhicisoow ayaa sheegay in suuqan uu muhiimad weyn u leeyahay shacabka ku nool degmada, waxaana sidoo kale munaasabadda goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Dharkeynley.

“Ganacsigii ugu horreeyay waxaa la dhisay intii u dhexeysay 1979-kii illaa 1980-kii, wixii xilligaa ka dambeeyay wax dayactir ah ma helin, waxaana laga arki karaa burburka iyo dayaca ka muuqda,” ayuu yiri Agaasimaha Suuqyada oo intaas ku daray in dhaqaalaha ku baxaya mashruucan uu bixinayo midowga Yurub.

Sidoo kalr, Guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Yuusuf Xundubey ayaa isna sheegay in shacabka ku ganacsada suuqa ay muddo ka dhaadhicinayeen in kawaanka loo dayactirayo, wayna naga aqbaleen, waxaana soo dhaweynaynaa in la dayactiro kawaanka degmada Dharkeynley.

Ugi dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Ciise Guure ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dhagax-dhigaan dib u dhiska suuqa Dhamme-Yaasiin Cartan, waxaana rajeynayaa in bulshada degmada ku nool ay ka faa’iideysan doonaan marka dib loo dhiso Kawaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here