Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa shir-guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay xal u helida biyo-fadhiisiga waddada Fagax oo halbowle u ah isku xirka degmooyinka qaybta Bari ee Gobolka Banaadir.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyeyaasha Degmooyinka qaybta Bari ee caasimadda iyo shirkaddii fulisay mashruuca dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Balcad, iyadoo lagu ballamay in si deg-deg ah loo xaliyo biya fariisiga waddada Fagax.















