Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilalka u kala beddelay laba Mas’uul oo ka tirsan D/Hoose: WAREEGTO

0
490

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilalka loogu kala beddelay mas’uilyiinta kala ah:

1. Mudane Cabdirashiid Ibraahim oo ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee qaybta Howlaha Guud Iyo dib u dhiska Gobolka Banaadir.

2. Mudane Cabdullaahi Muuse Axmed oo horay u ahaa Agaasimaha Guud ee qaybta Hawlaha Guud iyo dib u dhsika Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here