SAWIRRO: Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir oo kulan is-barasho ah la yeeshay Maamulayaasha Dugsiyada Dadweynaha

0
496

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa kulan isbarasho iyo kala xog-qaadasho ah la yeeshay maamulayasha dugsiyada dadweynaha ee Gobalka Banaadir.

Agaasimaha ayaa maamulayasha ka dhageystay hawla shaqo ee dugsiyada ay maamulan, caqabadaha iyo fursadaha ku gadaaman shaqadooda.

Agaasimaha Guud iyo Maamulayaasha ayaa isla gorfeeyay xalalka degdegga ah iyo xalalka waara ee lagu wajihi karo caqabadaha la isla xusay.

Ugu dambeyn, maamulayasha dugsiyada ayaa dhankooda soo dhaweeyay kulanka maanta, iyagoo dhankooda codsaday in la joogteeyo kulammada noocan ah, lana xoojiyo wada-shaqeynta dugsiyada iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here