DAAWO: Duqa Muqdisho oo Daah-furay Mashruuc Indho-fiiqis bilaash ah oo ay fulinayso Hay’adda Madaale Foundation: SAWIRRO

0
276

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray mashruuc indha-fiiqis ah oo ay maanta degmada Yaaqshiid ka fulisay hay’adda samafalka ee Madaale Foundation, kaas oo ay ka faa’iideysteen 100-ruux oo ka mid ah qoysaska danta yar ee aan haysan dhaqaale ay araggooda kula tacaalaan.

Furintaanka mashruucan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Maamulka degmada Yaaqshiid iyo ururka dhaqaatiirka Indhaha oo barnaaijkan indha fiiqista ah fuliyay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa sheegay in ay ka go’an tahay garab-istaaga iyo samafalka dadka danta yar, gaar ahaan kuwa nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here