Maxkamadda rafcaanka ee gobolka maroodi jeex oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta weriye samafale Cabdinmaalik Muuse Coldoon ku ridey xukun dhan 2 sano oo xarig ah iyo 3 malyuun oo shilinka soomaali land ah.
Samafale Coldoon aya hore waxa wax dembi ah ku weysey maxkamada darajada koowad ee magaalada Hargeysa, waxaana xukunka maanta lagu ridey cambaareeyey bulshada rayidka ee fadhogoodu yahay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame .
Weriye coldoon aya qareenadiisa la filayaa in ay xukunka maanta lagu ridey ka qaataan racfaan ay u qaadanyaan maxkamdda sare ee soomaalilaand.
Dhinaca kale maxmadda darajada koowaad ee gobolka Hargeysa ayaa min hal sano oo xarig ah ku ridey laba weriye oo ka kala howl gala telefishinka Horn Cable iyo MMtv. Wxa ayna xoriyaddiisa u soo celisey weriye kale, Labada weriye oo xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyey in ay huriyeen dagaal gacanta la isila tegey oo ka dhacay jeelka magalada hargeysa bishii la soo dhaafay.
Xukunka lagu ridey weriyaaasha ayaa waxaa durba cadaalad daro ku tilmaamay ururarada saxaafada ee ka diiwaan gashan xukuumadda soomaaliland, waxa ayna tani u muuqataa caburin lagu hayo saxaafada madaxa banana ee ka hanaqaaday magaalooyinka soomaaliland.













