Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa maanta oo ah 16.03.2021 lagu bilaabay Tallaalka COVID-19 ee ugu horeeyay gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca.
Munaasabad lagu daah furayay tallaalka Cudurka COVID-19 ee shalay Muqdisho la keenay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo howl-wadeenada Caafimaad ee dalka.
Qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa helay tallaalka Coronavirus, waxaana dadka ugu horeeya ee lagu bilaabay ay noqdeen Madaxweynayaasha dalalkaaa.