Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siuaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xalay komeer lagu hubinayay amniga ku tagay degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Heliwaa iyo deegaanka Daarusalaam, isagoo kula kulamay dad shacab ah iyo ciidamada xasilinta oo ku guda-jira hawlahooda lagu xaqiijinayo amniga guud ee Caasimadda.
“Waan ku qanacnay sida ay ciidamadu u sugayaan amniga, uma wadaan baaritaannada gaadiidka iyo dadka. Waxaan soo marnay dhawr koontarool, shaqo wanaagsan ayaana ka socotay,” ayuu yiri Mudane Yabooh.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenku waxa uu la hadlay shacabka degmooyinka uu booqday, waxa ayna u sheegeen in amniga uu aad uga wanaagsan yahay sidii hore, taasoo ay sheegeen inay keentay inay illaa xilli dambe oo habeenkii ah ay furnaadaan ganacsiyadooda. Balse waxa uu Yabooh la kulmay koox burcad ah oo bastoolado caag ah shacabka ku dhacayay, kuwaas oo ay qabteen ciidanka xasilinta caasimadda.
Ugu dambeyn, Degmada Kaaraan oo xilliyadii dambe uu ammaankeedu soo hagaagayay ayaa shacabka ku nool waxa ay guddoomiye Yabooh u sheegeen inay dareemayaan ammaan, ayna ku faraxsan yihiin shaqooyinka ay ciidamada xasilintu kawadaan degmada oo markii hore amni xumo la ciirciiraysay.













