Shir looga hadlayo arrimaha bini Aadanimada oo ka furmay Baydhabo.

0
291

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), ayaa ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalaya Guddoomiyaha SoDMA, Wasiirrada Gargaarka ee dowlad goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada, iyo marti sharaf kale duwan.

Shirka ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo la adeegsanayo hannaanka wada-jirka ah, xoojinta howlaha gargaarka, wax-ka-qabashada caqabadaha dhaqaale, isu-duwidda dadaallada, iyo kor u qaadidda iskaashiga dhexmara dhammaan daneeyeyaasha la xiriira bani’aadannimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here