Wafdi ka socda Ururka OIC oo booqday isbitaalka Madaxtooyada Qaranka: SAWIRRO

0
358

Wafdi balaaran oo ka socda ururka iskaaashiga islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayay kaaliyaha xoghayaha guud ee arimaha bini’aadanimada, arrimaha bulshada iyo dhaqanka, Danjire Tariq Cali Bakhet iyo Madaxa xafiiska Muqdisho ee Ururka Iskaashiga islaamka, Danjire Maxamed Bomba Maxamed ayaa maanta booqday Isbitalka Madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, waxa ayna kulan la yeesheen agaasimaha isbitalka madaxtooyada Qaranka, Dr. Xuseen Maxamuud Xuseen.

Agaasime Xuseen Maxamuud ayaa mahacelin, soo dhaweyn iyo warbixin kooban oo Isbitalka madaxtoyada Somalia ku saabsan kaddib uga warramay wafdiga OIC xaaladda uu Isbitaalku ku shaqeeyo iyo sida Isbitaalka Madaxtoyoada dib u dhis iyo qalabeyn loogu sameyn lahaa.

“Isbitaalka madaxtooyada dalka, waxa uu kaalin weyn ku leeyahay isku xirka iyo taakuleyna dhawacyada ciidamada Qaranka iyo furitaanka Isbitaalka Cadale laga hirgeliyay oo qaar ka mid dhakhaatiirta iyo kalkaaliyasha isbitaalka madaxtooyada ay ku sugan yihiin degmada Cadale” ayuu yiri agaasime Xuseen.

Dhanka kale, kaaliyaha xogahaya guud ee arrimaha bini’aadanimada ee ururka iskaashiga islaamka OIC, Danjire Tariq Cali Bakhet ayaa muujiyay sida ay ururka uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday dib u dhis iyo qalabeyn degdeg ah. Wuxuu ururku ballan-qaadey sii-wadista u qareemidda Soomaaliya iyo joogteynta taakuleynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here