JAWAAHIR BAARQAB: Qorshaheennu waa in Garan-waaga aan kasoo saarno Guryaha Caasimadda

0
367

Gudoomiyaha ururka haweenka maamulka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Baarqab ayaa sheegtay in maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda haweenka ay dhawaan gargar ku wareejin doonan dadka ku nool kaamamka barakacayaasha, inta lagu guda jiro tadobaadka xuska haween weynaha adduunka oo ku aaddan 8-da Maarso.

Marwo Jawaahur Baarqab ayaa ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed inay garan-waaga oo ay ula jeeddo xubnaha ka tirsan Al-shabaab kasoo saaraan guryahooda, si magaalada Muqdisho ay u noqo mid shacabku ay isku halleyn karaan nabadda ka jirta.

“Qorshaheenna toddobaadka waa inaan gargaar aan kasoo ururinnay haweenka Soomaaliyeed iyo deeq kale aan gaarsiinno haweenka ku jira kaamamka barakacayaasha iyo haweenka naafada ah” ayay tiri Marwo Jawaahir Baarqab.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in qorshayaasha cusub ee ay la yimaadeen ay tahay mid ku bedelayaan xuska loo sameeyo maalinta haweenka dunida.

“Waxaa Haweenka Soomaaliyeed oo isku duuban hoggaaminaysa wasiiraddeenna Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhanka siyaasadd noo qaabilsan, waana qorshe aan nafteenna uga qaadayno waxa aan haysanno, kuna caawinayno haweenka Soomaaliyeed aan waxba haysan” ayay mar kale tiri Marwo Jawaahir Baarqab oo warbaahinta la hadashay.

Dhanka kale, Wasiiradda Haweenka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna goobta ka jeedisay hadal ayaa sheegtay in qorshayaasha u degsan ay ka mid tahay sidii guryaha looga soo saari lahaa Garan-waaga (Al-shabaab), iyagoo raacaya amarkii Ra’iisul Wasaarsha Somalia ee ahaa Muqdisho haweenka ayaan ku ogahay.

Ugu dambeyn, Marwo Jawaahir ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay mideysan yihiin uuna qorshahoodu yahay inay garan-waaga ka soo saaraan guryaha, ayna caawinayaan gabi ahaan haweenka Soomaaliyeed ee aan waxba haysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here