Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Somalia ayaa fartay hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya dalkeenna inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023) Iyada oo la tixgelinayo xaaladda amni ee dalka oo soo hagaageysa kaddib howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada.













