Mas’uuliyiin Maamulka Gobolka Banaadir ka tirsan oo booqday Machadka Tababarada Dhaqaalaha

0
334

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure oo uu wehliyo Garyaqaanka Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Muxiyadiin Xasan Maxamed iyo la-taliye sare Iimaan Nuur Iikar ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Machadka Tababarada Maareynta Dhaqaalaha iyo Dowlad Wanaagga ee hoostaga Wasaarada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Machadka Cumar Jaamac, kaasoo looga hadlay wadashaqeynta maamulka Gobolka Banaadir iyo machadka.

Qodobbadii kale ee kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa; Horumarinta iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha Dowladda Hoose maadaama laga hirgelin doono dhawaan Gobolka Banaadir nidaamka PFM-System, iyadoo khubarro dhinaca maaliyadda ah ay ku hawlan yihiin qiimeyn lagu qeexayo kartida hay’adeed ee Gobolka Banaadir iyo ifinta caqabadaha gaabiska u keeni kara gudashada waajibaadka maaliyadeed.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Machadka Tababarrada Maareynta Dhaqaalaha iyo Dowlad-wanaagga ayaa isla gartay in la xoojiyo wadashaqeynta labada dhinac, si la isaga kaashado qorshaha ku saleysan daahfurnaanta maaliyadeed oo uu maamulka Gobolka Banaadir doonayo inuu ugu shaqeeyo bulshada Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here