Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay kulanka Wadatashiga Hormarinta Amniga Degmada karaan.
kulankaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Aminiga gudaha, xildhibaano, duubabka dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageestay dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaay hay,adaha amaanka oo ay soo gudbiyaan waxkasta oo lid ku ah amaanka degmada.













