Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galay Afur Wadareed lagu sameeyay Xarunta Degmada Kaaraan: SAWIRRO

0
229

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta degmada Kaaraan kulan afur wadareed ah kula qaatay maamulka, odayaasha, siyaasiyiinta, haweenka iyo bulshada ku nool degmada Kaaraan.

Afur wdareedkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda arrimaha gudaha XFS iyo maamulka gobolka ;anaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha XFS, mudane Axmed Macallin Fiqi, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii ka qaybgalay afur wadareedkan ayaa hadallo ka jeediyay goobta afurka kaddib, waxayna maamulka iyo mas’uuliyiinta degmada ku amaaneen sida ay u xoojiyeen amniga, iyaga oo kula dardaarmay shacabka degmada inay la shaqeeyaan maamulka degmada iyo laamaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here