Maamulka Degmada Xamar Weyne ayaa ka warbixiyey haamo ogsojiin ah oo Maalinimadii shalay gaarsiiyeen Cusbataalka Martiina si loogula tacaalo dadka uu soo ritey xanuunka safmarka ah ee Covid19.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Mdane Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo saaka la hadlay Idaacadda Codka Caasimadda ayaa bulshada ka codsaday iney ku tabarucaan Haamaha Ogsojiinta ah oo aad loogu baahan yahay si loo samata bixiyo dadka ku dhibaateysan Magaalada Muqdsiho













