SAWIRRO: Shirweynihii Xalka-Waara ee Qaranka oo lagu soo Gunaanaday Magaalada Muqdisho

0
315

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalahaa Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maxamed C/qaadir Cali ayaa maanta soo xiray shirweynaha Xalka-Waara ee heer Qaran, kaasoo hal-ku-dhigiisu yahay tayeynta iyo isku-dubbaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed,

Shirkan oo socday muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalay; wasiirro, xildhibaano, qaar ka mid ah wasiirada qorsheynta dowlad-goboleedyada dalka, safiirrada dalalka Midowga Yurub, madax ka socotay QM, urur goboleedka IGAD, ganacsato iyo ururrada bulshada rayidka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa u Mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha shirka Xalka-waara ee heer Qaran, isagoo bogaadiyay howlwadeennada wasaaradda Qorsheynta iyo dadkii kale ee ka shaqeeyay qabshada shirkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here