MIKE HAMMER: Mareykanku waxa uu aaminsan yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya

0
346

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in Soomaaliya ay tahay hal waddan, waxa ayna ka digeen in la fara-geliyo midnimada dhuleed iyo wadajirka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, waxa ayna sheegeen in arrimaha Somalia ay u taallo Soomaalida.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, danjire Mike Hammer oo ka hadlay shirkii IGAD ee Khamiistii lagu qabtay Kampala, Uganda ayaa yiri: “Maraykanku waxa uu aqoonsan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ku jirto, waxa aanan aaminsan-nahay in maqaamka Somaliland ay tahay arrin u taalla Soomaalida ayna iyagu go’ aan ka gaari karaan.”

Sidoo kale, Ergayga ayaa mar kale yiri: “Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland waxa uu carqalad ku yahay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaasoo Soomaaliya ay ka caawinayaan dalalka Afrika iyo kuwa caalamka oo uu ku jiro Mareykanka.”

Ugu dambeyn, Mike Hammer waxa uu ku boorriyay [Soomaaliya iyo Itoobiya] inay ka fogaadaan wax walba oo xiisadda taagan sii hurin kara, taasoo Al-shabaab u abuuri karta fursado ay ku ballaarin karto awooddeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here