Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay guddiga arrimaha dibadda aqalka golaha wakiillada dalka Mareykanka.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaannada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shuruucda uu ansixiyay baarlamaanka 11-aad, hannaanka deyn-cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isku socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi.
Sidoo kale, Guddiga arrimaha dibadda ee golaha wakiillada dalka Mareykanka ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaallada horumarineed iyo shaqooyinka hor-tebinta u leh hanaanka geedi socodka dowladnimada dalka ee ay wadaan, waxa ayna tilmaameen in Baarlamanka Somalia uu Mareykanka la sameeyn doono bog cusub oo iskaashi ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia ayaa u mahadceliyay golaha wakiillada iyo guud ahaan dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Kulammadaan ayaa qayb ka ah dadaallada uu guddoomiyaha BFS ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xirirka wada-shaqeyn uu baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay baarlamaanada Adduunka.