Maamulka Gobolka Banaadir oo cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay in Dowladda Hoose ee Xamar heshiis saaxibtinimo oo mataaneyn ah la gasho Dowladda Hoose Konyo ee dalka Turkiya./Sawiro.

0
1190

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Gudoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir kulankaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir Xog hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa looga hadlay kulanka la dagaalanka kooxaha ciyaal weerada iyo dhalinyarada isticmaasha mukhaadaraadka oo kusoo badanaya magaalada iyo dakhli Kordhinta Dowlada Hoose.

Dhinaca kale waxaa shirka lagu ansixiyey mataaneynta Dowlada Hoose Muqdisho iyo Dowlada Hoose ee magaalada Kunya ee Dalka Turkiga.

Mataaneyntaan Dhex mari doonta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Dowladda Hoose ee Konyo ayaa waxa ay labada Magaalo iska kaashan doonaan dhinacyada Maareynta Qashinka, Tayeynta Shaqaalaha, Maareynta Bulaacadaha, Qorsheynta Magaalada iyo Qodobo kale oo Muhiim u ah Labada Dowlad Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here