Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay qodobka la isku fahmi wayaay

0
719

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyay shirkii uula qaaday Midwga Musharixiinta, isaga oo sheegay inuu jiro hal qodob oo la isku fahmi wayaay, balse inta kale ay ku raaceen.

Qoraal kooban uu Ra’iisul wasaare Rooble soo dhigay bartiisa ayuu ku sheegay in xukuumadda ay muujisay tanaasul badan, qodobadii ay ka wadahadleena isaga iyo midowga mushariciinta ay ku raaceen marka laga reeb hal qodib.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa” Ayuur ku yiri qoraalkiisa.

Mr. Rooble ayaa qoraalkiisa ku soo gunaanuday in weli ay furan yihiin albaabadiisa dhanka wada hadal iyo is-qancinta, si aan xal kama dambey loo gaaro, lana hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here