Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa salaadda Jimcaha ku tukaday Masjidka Madaxtooyada ee Jubaland ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay jamaacadda Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka in ay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubaland.













