Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam iyo Saraakiil Kale oo Dhamaantood ah saraakiisha Qeeybta Bari oo kormeeray Deegaanka Daaru-Salaam.

0
1138

Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam ayaa Tilmaamay in foojignaan Dheeraad ah la galinaayo Hay’adaha Amniga inta lagu guda jiro Dabaaldaga Munaasabada Ciida carafo ee Fooda nagu soo heysa si looga Hortago qatar kastaa oo dhanka Amniga ah ee la kulmi karaan Shacabka Soomaaliyeed inta ay socoto Farxada Ciida iyo Dalxiiska Deegaanka Daaru-Salaam.

Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam oo ay wehliyaan Saraakiisha Qeeybta Bari ayaa Kormeerkan ugu kuurgalay sare uqaadida Amniga Deegaanka Daaru-Salaam ee Gobolka Banaadir iyagoo soo maray Dhamaan wadooyinka Deegaanka laga soo galo iyo kuwa looga baxo.

Saraakiisha ayaa si adag u xaqiijiyey xaaladaha amni ee Deegaanka, iyagoo Ciidanka kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga foojignaan dheeraad ahna ay muujiyaan.

Kormeerka Saraakiisha Qeeybta Bari iyo Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam ayaa ku soo aadaya xili ay fooda nagu soo hayso Ciida carafo oo maalo qura ay naga xigaan iyadoo sida caadada ahayd ay Deegaanka Daaru-Salaam ay maalmahaan ciida u soo damaashaad tagaan Qeeybaha kala duwan ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here