Golaha Wasiirrada oo Meel-mariyay Qaraar lagaga hortagayo Khataraha Baraha Bulshada: SAWIRRO

0
264

Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa meel-mariyey Qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internet-ka iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn oo u dhexeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia.

Ugu dambeyn, Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here